Wasiirka Cadaalada oo ka Tacsiyadeeyay geerida Marxuum Ilyaas Maxamed Sheekh Cabdikariim

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay geerida mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo Xalay ku geeriyooday qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji ayaa tacsi u diray Eheladii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma, Ilyaas Maxamed Sheekh Cabdikariim oo ahaa Wiil dhallinyaro ah kana tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda.

“Wasaaradda Cadaaladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sh Cabdikariim oo kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ahaaya Shaqsi Allah kusifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo, waxaana Allah uga baryeynaa inuu Naxariistiisa kawaraabiyo, anakana Samir iyo iimaan” ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com