Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug iyo Mas’uuliyiin iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya wejiga labaad ee shirka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka kaas oo diirada lagu saarayo arimaha Doorashooyinka, dalka kuna dhacda xilliga loogu tala galay
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com