Ganacsade lagu dilay Dalka Koofur Afrika

Wadanka koofur Afrika ayaa waxaa lagu dilay mawaadhin Soomaaliyeed oo xarun Ganacsi ku lahaa  dalkaasi.

Alle ha u naxariistee wawaadhinka ayaa waxaa lagu magaacabayay  Axmed Xuseen Caddow waxaa lagu dhex dilay  Goob Ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada Cape Town , gaar ahaan xaafad da  Retreat sida laga soo xigtay Eehelkiisa.

Koox burcad koonfur Afrikaan ah ayaa Marxuumka ku dhex dilay  Xaruntiisa Ganacsi  islamarkaana dhac u geystay hantidiisa sida ay sheegeen Booliiska dalkaas

Buracada dilka geysatay  ayaa baxsatay  kadib markii  Booliiska Dalkaasi lagu war geliayay dilka iyo dhaca ay geysteen kooxda burcadka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com