Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto cawaaqibta ka Timaada haddii la carqaladeeyo shirka madaxda dowlad goboleedyada dalka.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay warka ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre oo ku saabsan doorashooyinka,waxana uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan kala caddeyn loogana fadhiyo madaxda qaranka inay sharaxaad badan ay ka bixiyaan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Madaxda maanta tallada heysa in ay si toos ah ugu fashilantay qabashada doorasho xor ah, Wuxuuna sheegay in dadkaasi looga baahan yahay in ay dalkooda badbadiyaan haddii Madaxda maanta ay ku guuldareysteen.