Ciidamo katirsan maamulka H/shabelle oo  handadad iyo xarig isugu daran Agaasimaha Idaacada Asal  “Aadan Hussein Daauud”.

Ciidamo ku hubeeysay gaadidka dagaal oo gaarayo ilaa iyo 10-asgeri ayaa wariyaha ka kaxeestay guriga uu kadaganyahay magaalada Jowhar .

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook -ga ayaa u qornaa sidatan .

14 Saac ka dib ayaa Waxaan Dib uhelay Xoriyadeyda Allah ayaa ku Mahadsan.

Waxaa Xalay Dhacday in Gurigeyga uu Weerar Handadaad ah uu ku Soo Qaaday Nin Lagu Magacaabo NUUR DHEERE kana mid ah ilaalada Madaxtooyada Maamulka Hir-Shabelle.

Sidii Qof Baxsad ah ayuu Gaari Nooca Dagaalka ee (CABDI BILLAHA) oo ay Saaran yihiin Hub Culus iyo Ciidamo aan ka yareen 10 waxay isku gadaameen Gurigeyga Sababta Markii Aan Weydiyay NUUR DHEERE waxa uu hadalkiisa ku Soo Koobay Saldhiga waa In Aad iiraacda.

Markii Aan Raacayna Oo Aan Saldhiga Tagnay Oobi Qoraha Saldhiga Booliska Jowhar Cabdi Xasan isaga oo aan wax Qoraal iyo Xog Wareysi Sameyn ayuu iigu War geliyay in aan Xeranahay.

Aniga Waa Lee Xeri karaa Qog Bani,aadmi ah ayaa ahay Waan Qaldami karaa, Balse Su,aasheyda ayaa waxay tahay.

1 Xili Habeen ah in Qof Muwaadin ah oo aan Gacan ku Dhiigle Aan aheyn ama Fal dambiyeed Aan Faraha kula Jirin in la Xero Ma Saxbaa? iyada oo Aanay jirin Amar Maxkamad

2 Magaalo Boolis ayaa ka shaqeya la leeyahay in Milateri ay Howlgal ka Fuliyaan Ma saxbaa? iyada oo uu jiro kiis dacwad Madani ah

3 Saldhig Lagugu Xerayo Oo Aan Oobigana Magacaaga iyo Kiiska Dacwo Ee Lagugu heysto Aan lagu Qorin in lagugu Xero Ma Saxbaa?

Maamulka H/shabelle ayaa dhoor jeer  cagajugleeyn iyo xarig isugu daray tiro wariyaal ah oo ka hoolgalo Caasimada H/shabelle ee Jowhar halka ay xaruma warbaahineed Al-baabada isugu dhifteen