War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa loogu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay joojiyaan akhrinta, ka doodista iyo ansixinta dhammaan Xeerarka ku xusan Warqadda uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka sare oo been abuur ku tilmaamay Xeerarkaas.
Jubaland, waxay kale oo codsatay in aan la gudbin Xeer kasta oo saamaynaya Arrimaha Masiiriga ah ee dalka, inta ay Wada-tashi buux ka yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka.
Sidoo kale, Jubaland waxay sheegtay in aysan qayb ka noqon doonin dhaqan-gelinta Xeer doorasho kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka, kaas oo aan ku imaan Wada-tashi iyo Xal Siyaasadeed oo ay wada gaaraan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Saamileeyda Siyaasadda dalka.
Maamulka , Jubaland ayaa ka digay in Qalalaase Siyaasadeed iyo dib u dhac weyni ka dhalan karo, haddii dalka laga qabto doorasho aan ku imaan wada-tashi Siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda dalka.