Golaha Wakiilada Puntland oo maanta Ansixiyay qodobo muhiim ah

Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland, Fadhigiisa 4-aad oo qabsoomay ayaa maanta lagu saxiixayay dhowr qodob oo lagu daray Ajandaha Kalfadhiga 46-aad oo ka kooban 15 Qodob.

Kal Fadhiga Maanta oo ay xaadireen37xildhibaan ,ayaa waxaa shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oouu  wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka kowaad baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo  Ku xigeenka labaad Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajandaha oo cod gacan-taag ah la geliyay, waxa u codeeyay 35 xubnood, waxaana ka aamusay 2 Xildhibaan oo keliya, mana jirin cid diidday sidaas ayuuna Ajanduhu ku ansaxay.

Qodobada Ajandaha ugu muhiimsan waxa kamid ah La-xisaabtanka Golaha wasiirada ,Ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Dib u-eegista Heshiiska DP World ee Dhismaha iyo Ballaarinta Dekedda Boosaaso.