Muhaajiriin ay Soomali ku jirtay oo lagu xiray Turkiga

Muhaajiriin tiradoodu guud dhamayd 122 qof ayaa la sheegay in lagu qabtay Goballadda Bariga iyo K/Bari ee dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Hay’adaha Ammaanka ee Turkiga ayaa lagu sheegay in Muhaajirriintaasi lagu soo qabtay Hawlgal laga fuliyey Goballadda Elazig, Faan iyo Kilis ee dalkaasi.

Hawlgalkaasi oo dhacay isbuucan gudihiisa waxaa dadka Muhaajiriinta ee lagu soo qabtay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Masar, Syria, Iraq, Iran, Libiya, Yemen, Bangaldesh, Gaaboon, Senigaal, South Afrika, Pakistan, Bangaladesh, Burundi, Maali, Kaamiruun iyo Gaaboon.

Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka iyo kuwa Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen in ku-dhawaad 2,530 Muhaajiriin ah lagu xiray Turkiga tan iyo isbuiucii la soo dhaafay.

Muhaajiriinta lagu qabtay dalka Turkiga waxay dhamaantooda qorsheynayeen inay ka gudbaan xuduudka Turkiga la wadaago dalalka Giriigga iyo Bulgaariya.