Isku shaandheyn lagu sameeyay Golaha Wasiirada Dalka Kenya

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada ee dalkiisa.

Wasiirrada xasaasiga ah ee ay saameysay isku shaandheynta ayaa waxaa ka mid ah Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Ganacsiga.

Mutahi Kagwe – Wasiirka Caafimaadka
Betty Maina -Wasiirka Ganacsiga
Rachel Omamo – Wasiirka arrimaha dibadda
Cecily Kariuki – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
Peter Munya – Wasiirka Beeraha 
Monica Juma – Wasiirka Gaashaandhigga
Simon Chelugui – Wasiirka shaqada
Ukur Yatani -Wasiirka Maaliyadda.
Monica Juma ayaa waxaa ay ahayd wasiirka arrimaha dibadda waxaana ay aad u kar karineysa kiiska Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,waxaa hadda laga dhigay Wasiirka difaaca halka haweeneydii ahayd la geeyay booskeeda arrimaha dibadda.
Isku shaandheyntan ma saameyn dhowr wasiir oo ay ka mid tahay Amina Maxamed Jibriil oo ah Wasiirka dhallinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka.