Wabiga oo ku fatahay Xaafadaha Beledweyne & dadka oo barakacaya

Wabiga Shabeelle ee mara Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu fatahaad ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaalada oo qaarkood ay dadkii ka barakaceen.

Wabiga oo aad u buux dhaafiyay,kadib roob ka da’ay Magaalada ayaa waxaa uu Biyo dhigay xaafado ka tirsan magalada Beledweyne,iyada oo ay jireen dadaalo ay fatahaada  looga hortagayo oo ay wadeen Guddiga gurmadka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Xaafadaha u sida weyn Wabiga ugu fatahay ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa kamid ah Xarunta lamagalaay oo ay deganyihiin Dhamaan Hay,adaha Maamulka, Kooshin, Kutiinbo iyo Raadeerka.

Dadkii ugu badnaa ayaa Magaalada ka barakacay,iyaga oo aaday dhinaca deegaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Beledweyne,iyaga oo ka cabsi qabo in uu waxyeelo u geysto fatahaada uu sameynayo Wabiga.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ay jiraan dad dano gaar ah oo dadka barakicinaya,waxaana uu uga digay ha’adaha samafalka inay gurmad gaarsiiyaan dadka barakacay,hay’adii fulisana tallaabo ay ka qaadi doonaan.