Jubbaland oo ka hadashay xariga loo geystay Guddoomiyihii degmada Garbahaarey

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Saxaafada la hadlayay  ayaa  si kulul u eedeeyay madaxda dowladda federaalka Somalia, isagoona ku eedeeyay in bur burin ay ka wato gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in ay aad ugu xun yihiin xariga ay dowlada federaalka u geysatay guddoomiyihii degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Iimaan Cadow kaaraash, kaasi oo diiday inuu xilka wareejiyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenku in Jubbaland ay go’aano adag ka qaadan doonto dhibaatada Siyaasadeed ee ay Dowlada Federaalka ah ka wado Gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Dowlada Federaalka ah ay hortaagan tahay diyaarad sida gurmad noocyo kala duwan ah oo loogu tala galay ka hortaga Xanuunka Covid 19 iyo fatahaadaha ka jira Gobolka Gedo