Sida ay qorayaan qaar ka mid ah warbahinta Kenya, waxaa telefoonka ku wadahadlay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Kenya, kuwaas oo ka sheekeystay diyaaraddii African Express ee ku burburtay Bardaale, taas oo ka diiwaan gashaneed Kenya, gargaar caafimaad oo ay Muqdisho ka qaadayna Bardaale u siday.
Sida ay qortay warbaahinta Citizen, Madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa telefoon u soo diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdada, wuxuuna ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay burburka diyaaradda.
War qoraal ah oo warbaahinta Kenya ay soo xigteen waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray Hay’adda Socdaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo.
“Madaxweynaha wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu Farmaajo qaaday ee ah inuu Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya ku casuumay in baaritaanka ay qeyb ka noqdaan”, ayaa lagu yiri qoraalka.
Lix qof oo laba Soomaali aheyd ayaa ku naf waayey shilkaas, kuwaas oo kala ahaa, Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid Cabdullaahi Maxamed.
Xildhibaan Cabdiraxman Aadan Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha Shirkadda African Express ayaa sheegay in muuqaal Saterlite laga qaaday uu muujinayo in diyaaradda wax lagu dhiftay, xilli ay 5-KM u jirtay runway-ga garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in diyaaradda laga toogtay meel aad ugu dhow garoonka dayaaradaha degmada Berdaale.
Masuul ka tirsan shirkadda diyaaradaas iska laheyd ee Afarican Express ayaa ku eedeeyey ciidamada Itoobiya oo saldhig ku leh meel u dhaw degmada Bardaale, inay si ula kac ah u soo rideen diyaaradda.
Raashid Cabdi oo ah falanqeeye ka faalooda arrimaha gobolka, gaar ahaan geeska Afrika ayaa sheegay in suuragal ay in dhacdadaan ay sare xiisada labada dal, maadaama aaga ay diyaaradu ku burburtay ay maamulaan ciidamada Itoobiya ee lagu eedeeyey shilkaasi.
“Kenya iyo Itoobiya ayaa u karaar-qaadanaya dagaal. Aag ay maamulaan ciidamo Itoobiyaan ah in ay kusoo dhacdo diyaarad ganacsi oo Kenya laga leeyahay waxay muujineysaa hoos u dhac cusub.” ayuu yiri Raashid qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.