Dowladda oo soo bandhigay sarkaal  ka tirsanaa Al-Shabaab.

Baraawe-(Aragticusub)- wararka nagasoogarayo  magaalada Baraawe ayaa ku waramayo in ninkaan ay dowladu ku shegtay in ay soo qabteen oo asiga iskugu soodhibay ciidamada dowlada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa galabta soo bandhigay sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sarkaalkan ka soo goostay Al-Shabaab ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Maadeey, kaas oo sida laga soo xigtay Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2012-kii.

Maxamed Axmed Maadeey oo warbaahinta kula hadlay Baraawe ayaa sheegay in markii uu isi soo dhiibayey uu la soo xiriiray Abtigiis oo ciidanka dowladda ka tirsan, sidaasna ay ugu suurta gashay inuu yimaado Baraawe.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com