Ruushka oo ka walaacsan xowliga Corona iyo taradii ugu badneyd oo la diiwaan geliyey

Dalka Ruushka ayaa laga soo werinayaa in saacadihii u dambeeyey laga diiwaan geliyey 9,623 xaaladood oo ah Coronavirus ah.

Waa tiradii ugu badneyd oo maalin qura ay diiwaan gelisay Wasaaradda Caafimaadka dalka Ruushka, kuwaas 0o ah xalaado cusub oo COVID-19 ah.

Illaa hadda xukuumadda Moscow dadka uu soo ritay xanuunka Coronavirus oo ay diiwaan gelisay waxay gaarayaan 12,454-kiis oo intooda badan ku nool magaalada caasimadda ah ee dalkaas.

Tirada dhimashada dalkaas ayaa gaartay 1,222- ruux, waxaana dadkaas kamid ah 57 qof oo cudurka Corona u geeriyootay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Wal-wal aad u xoogan ayaa dowladda kasoo wajahay khatarta iyo sida xowliga ah ee uu kusii faafayo cudurkan, waxayna dowladdu ku howlantahay dhismaha goobo caafimaad oo hor leh, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Ruushka.