Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in markale gargaar caafimaad ay u soo direyso Soomaaliya, si loogu kabo xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus.
Afhayeen u hadlay xafiiska Madaxweynaha dalkaasi, Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Madaxweynaha uu amray in markale shixnad gargaar loo diro Soomaaliya.
Sidoo kale afhayeenkaan oo lagu magacaabo Ibrahim Kalin ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ku daabacay in gargaarka caafimaad ee uu markii labaad Turkiga u soo dirayo Soomaaliya uu isugu jiri doono qalabka hawa siinta ee Ventiletarka loo yaqaano, daawooyin iyo agabka ay isticmaalaan dhaqaatiirka ku howlan la tacaalida Covid-19.
Si kastaba ha’ahaatee gargaarkan caafimaad ee uu Turkiga u soo dirayo Soomaaliya ayaa noqonaya midkii labaad, xilli bartamihii bishii la soo dhaafay M/ Muqdisho ay soo caga dhigatay diyaarad siday gargaar caafimaad oo uu Turkiga ugu deeqay Soomaaliya.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com