Puntland oo beenisay sheegashadii DF ee gargaarkii laga dejiyey Garowe

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa beeniyay seddax diyaaradood ay ka degay magaalada Garowe, kusoo oo ay soo  dirtay dowladda federaalka.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in gargaarka laga dejiyey Garowe uu uga yimid dhanka hey’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii wafdi wasiirro ah oo ka socday dowladda federaalka ay ka dageen magaalada Garowe, halkaas oo ay ka sheegeen in deeqdaas ay soo dirtay dowladda federaalka, kuwa kalena ay soo wado.

Agabyada qaar ee laga dejiyay halkaas oo isugu jiray teendhooyin, qalab daawo iyo agabyo kale waxaa ka muuqday astaanta hey’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan sheegtay in hal milyan oo dollar ay ugu deeqday Puntland, taas gurmadka loogu fidinayo dadka ku nool magaalada Qardho oo ay daadad kusoo rogmadeen, isla markaana ay ka dhalatay waxyeello naf iyo maalba leh.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com