Wariye Coldoon oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayo.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay xaalada Caafimaad ee Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo la sheegay in uu ku dhex xanuun sanayo Xabsiga uu ku xiran yahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Maanta Warbaahinta kula hadlayay Xarunta Wasaaradda ee Magaalada Hargeysa ayaa marka hore sheegay in xaalad Caafimaad darro oo liidata aysan ka jirin Xabsiyada Soomaaliland xilli laga cabsi qabo Cudurka Coronavirus.

Agaasimaha oo Wariyeyaasha ay wax ka weeydiiyeen xaalada Caafimaad ee Wariye Coldoon ayaa sheegay in loo sheegay in  Wariyaha lagu arkay xanuun dhinaca neef mareenka ah laakin aan lagu tilmaami karin in uu yahay qof qaba Cudurka COVID-19.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay u direen dhaqaatiir Caafimaad,isla markaana ay kasoo qaadeen dheecaano lana baaray lagana waayay Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay deegaanada Soomaaliland.

Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa waxaa 8-dii Bishii July ee sanadkii 2018 ay ku xukuntay  Saddex Sano iyo Lix bilood oo xarig ah,kadib markii lagu eedeeyey in uu u gefay qaranimada ay sheegato Soomaaliland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com