Weerarkaan Bambaano ayaa waxaa Maanta lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Isgoyska Blacksea degmada Howl-wadaag ee Gobolkan Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada bambada lagu weeraray ay ahaayeen kuwa ka tirsan Ciidamada Taraafikada,waxana weerarkaasi Bambaano ku dhaawacmey Shan Ruux oo Shacab ah.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in laba ka mid ah shanta qof ee dhaawacmay in xaaladooda Caafimaad ay aad u liidato sida ay dadka degaanka warbahinta u sheegeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka weerar bambaano uu ka dhacay,iyaga oo sameeyey howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey weerarkaas.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com