Tirada kiisaska iyo Geerida ee Covid 19 oo Korortay

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteedii maalinlaha aheyd ku shaacisay dad hor leh oo u geeriyooday xanuunka Coronavirus iyo kuwo laga helay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu xaqiijiyey geerida laba ruux iyo 48 qof oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay loo diiwaan geliyey inay qabaan cudurka COVID-19.

Sidoo kale 5-qof ayaa kasoo bogsatay cudurkan, sida lagu xusay warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

41 kamid ah waxay ku noolyihiin Muqdisho, afar ayaa laga diiwaan geliyey deegaanada Koonfur Galbeed, halka seddaxda kale laga diiwaan geliyey deegaanada Jubbaland, sida ku cad qoraalka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka.

31 kamid ah bukaannada cusub waa rag, halka 17-ka kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska COVID-19 gudaha Soomaaliya waxa ay gaartay 528, 19-qof ayaa ka bogsatay , halka dhimashadana loo diiwaan geliyey 28-ruux.