Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa uga digay waddamada Afrika in ay adeegsadaan awood xad dhaaf ah inta lagu jiro aafada Covid-19.
Hay’addu waxay ku boorrisay dawladaha inay aqoonsadaan in halistu tahay fayrus, ee aysan ahayn dadka.
Koonfur Afrika, Kenya, Uganda iyo Rwanda ayaa ka mid ah waddamada ay ciidamada ammaanku u isticmaaleen tillaabooyin caburin ah, si ay u xoojiyaan xaddidaadda dhaq dhaqaaqa shacabka.
Wakiilka xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Michelle Bachelet ayaa sheegtay in waddamadu aysan u isticmaalin quwadaha deg-degga ah sida hub, kaasi oo dadka cabsi gelin kara.
Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac gaar ah ka qaba xad gudubyada booliska iyo militeriga Dowladdaha qaar ay ka gaysanayaan magaalooyiinkooda waa wayn, si ay u hir geliyaan bandowga lagu soo rogay dalalkooda.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com