Kaalin noocee ku leeyihiin Ganacsatada Amni darada ka jirta Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa sii kordhaya dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya kaasi oo saameynta ugu xoogan ku yeesha dadka shacabka ah.

Qaraxyada iyo dilalka ayaa ah kuwa inta badan geystaan kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Qaraxi ugu dambeeyay ee ka dhacay wadada sayidka  ee Muqdisho waxaa ku geeriyooday in ka badan 5 ruux oo u badan dad shacab ah ee aan waxba galabsan.

Waxaana taasi ay imaanaysaa xili shacabku xiriiri aad u daran ku dareemayaan isu socodka wadooyinka muqdisho taasi oo sabab u jid gooyooyin ay sameysteen ciidamo la sheegay in ay sugayaan amniga Caasimada.

Dhawaan waxaa qaar ka mid ah warbaahinta shaaciyeen in ganacsatada muqdisho heshiis is afgarad ah la yeesheen kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Heshiiskaas oo ka koobnaa qodobo dhowr ah ayaa ugu muhiimsanaa in ganacsatadu taageero dhaqaale ugu yaboohaan alshabaab iyaga oo taas ku badalanaya in amni ku helaan.

Hadii dhan loo fiirsho heshiiskaas waxaa la dhihi karaa waa mid sii horseedaya dilalka iyo qaraxyada caasimada in ay sii kordhaan sababtoo ah dhaqaalaha alshabaab ka qaataan ganacsatada kuma aadayaan xaj iyo cimro ee waxaa ay ku iibsanayaan hubka iyo qaraxyada ay muqdisho ka geystaan.

Waxaa taasi la dhihi karaa ganacsatada iyaga oo danahooda gaarka ah ka fikiraya ayay bulshada u horseedeen dhibatada hor leh.

Si kastaba waxaa haboon in dowlada federaalka ah ee Somalia gaar ahaan xukuumada il gaar ah ku haysaa dhaq dhaqaaqyada ganacsatada isla markaana talaabo sharci ah ka qaataa qofkii ay ku cadaataa in xiriir dhaw la sameysaa kooxdaan aan laheyn naxariista ee Alshabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com