Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey 46 kiis cusub oo ah Coronavirus.
Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegtay bukaanada cusub ay 41 kamid ah laga helay gobolka Banaadir.
Sidoo kale, waxay xustay in shan kamid ahna kiisaska cusub laga helay degaanadda maamul goboleedka Puntland.
Intii ay shirka jaraa’id ku guda jirtay, Fowziya ayaa xustay in shan qof oo horleh u geeriyootay caabuqa safmareenka ah.
“Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 46 qof. Lab: 33 Dhedig: 13 Bogsasho: 0 Dhimasho: 5 > Tirada Guud: 436 Dhimashada Guud: 23 Bogsashada Guud: 10,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.
Ugu dambeyntii, waxay daboolka ka qaadey in xaalada guud ee Covid-19 ee gudaha dalka ay gaareyso 436, iyo 10 ka caafimaadey.