Mudisho:Aragticusub Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadley dadkii rayidka ahaa ee Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Muqdisho ku dilay.
Qoraal dheer uu soo saaray Thaabit Cabdi ayuu eheladooda uga tacsiyadeeyey dadkii la dilay,waxaana uu nasiib darro ku tilmaamey in askartii wax badbaadin laheyd ee dadka disho.
Sidoo kale Shacabka ku kool Gobolkaan Banaadir ayuu ugu baaqay inay u hoggaansamaan Awaamiirta Bandowga ah oo ay dowladda soo saartay.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Thaabit Cabdi.
Allaha u naxariisto Madiino Cabdullahi iyo Xassan Cali oo ay ciidanku ku dileen Boondheere. Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoysaska marxuumiinta, samir iyo iimaanna Allaha ka wada siiyo.
Waa ayaan-darro iyo qalbi jab in askartii wax badbaadin lahayd iyagii dhimasho sababeen. Madaama lasoo xiray gacan-ku-dhiiglihii, waxaan rajeynayaa in cadaaladda la waafajiyo. Arrinta Bandoowga waxay u baahan tahay wacyigelin ballaaran iyo inaan la sahashan halista ka dhalan karta bulsho iyo ciidan aan Bandoow horey u arag.
Dhacdooyinkii shalay iyo habeen hore wax la aqbali karo ma ahan, waana in Madaxda iyo Hay’addaha amnigu wax ka bartaan,kana foggaadaan waxwalba oo dadkeena dulqaadka badan wax u dhimi kara.
Shacabkeena waxaan leeyahay madaama Bandoowgii lagu soo celiyay 8:00 fiidnimo, fadlan u hoggaansama, hadii aad aragtaan wax aydan qaadan karin, si nabdoon u bannaanbaxa oo yaanan la isku qaldin askari qalad galay iyo astaamaha Qaranka. Madaxda Qaranka waxaan xusuusinayaa in dadka la dhiso ayaa ka horeysa in dalka la dhisaa, si dadku wax u xeeriyaan waqtiyada adag iyo waqtiyada baraarahaba.
Ramadaan Mubarak.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com