Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Daah furay Xarunta ay ku shaqeynayaan Gudigga Covid-19 ee Galmudug, Iyo Xarunta sheybaarka Covid-19 ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug ay la shaqeyn doonto sidii loo hortagi lahaa Cudurka Corona Virus oo hadda Kiis ka badan 100 laga xaqiijiyay Magaalada Muqdisho.
Xaruntaan ayaa waxaa ku shaqeyn doona Guddigii uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Qoor Qoor ee ka hortagga Corona Virus.
Furitaanka Xaruntaan ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labadda Gole ee dowladda Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale halkaasi lagu diyaariyay dhaqaatiir loogu tala galay in ay la tacaalaan Cudurka Corona Virus.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com