Al shabab oo togtay 6-Nin oo ay ku eedeyeen jawaasiis nimo

Al Shabaab ku toogatay fagaare kuyaala degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose lix nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa sirdoonka dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ayaa ku eedeeyeen lixdan nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay in ay la shaqeenayeen sirdoonka dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay lixdan nin ee Al Shabaab ku eedeeyeen jawaasiisnimada waxaa joogay dadweyne ka kala yimid xaafadaha Jamaame iyo saraakiil katirsan Al Shabaab.

Halkan ka Akhriso magacyada lixda nin ay toogteen Al Shabaab

1-Maxamada Iidow Aadan (Tareeso), oo Al Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay Sirdoonka Dolwadda federaalka.

2-Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, oo isna lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay sirdoonka Dowladda federaalka.

3-Cusmaan Cabdulle Afrax ayaa Al Shabaab sidoo kale ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay Sirdoonka Dowladda federaalka.

4-Xassan Hafow Saney ayaa lagu eedeeyay in uu shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.

5-Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley) ayaa isna lagu eedeeyay in uu shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur galbeed.

6-Hilowle Bashiir Aadan Maxkamada Al Shabaab ku eedeesay in u uu shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.

Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku fulisay dad ay ku eedeesay in ay yihiin jawaasiis la shaqeysa Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye, waxaana dadkaasi inta badan xukunka ku rida Maxkamadaha Al Shabaab.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com