Wasaaradda Caafimaadka oo caawa shaacisay kisas cusub oo laga helay COVID-19

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Fowsiya Abiikar Nuur oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19 ayaa xaqiijisay in maanta uu Isbitaalka De Martino ku geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Cadaaladda Hirshabelle, Xildhibaan Khaliif Muumin.

Allaha u naxariistee marxuum Khaliif Muumin oo da’diisu ahayd 63 jir ayaa isbitaalka la jiifiyay April 09, 2020, si xaaladdiisa caafimaad wax looga qabto.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale xaqiijisay in baaritaan la sameeyay lagu caddeeyay in cudurka COVID-19 uu soo ritay 4 qof ku nool Magaalada Muqdisho, taas oo 25 ruux ka dhigaysa tirada guud ee dadka cudurku ku heleelay gudaha dalka.

Wasaaradda Caafimaadku waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda jooggaan, haddii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka cudurada daba dheeraada qaba.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com