OGOOW MAAREEYOOW GABADHAHEENU WAA QAALI!!!!!.

Ugu horayn waxaa raali gelin aad u ballaaran aan siinayaa guud ahaan gabdhaheena saxafiyiinta Soomaaliyeed ee sharafta, karaamada iyo heybadda sare RABBI ku maneestay meel kasta oo ay adduunka kaga nool yihiin, bahdilaada iyo xad-gudubka lagu sameeyey waa arrin aan loo dul qaadan karin, taasoo kaga timid Wasaaraddii warfaafinta oo runtii la filayay inay tahay goob ay wada leeyihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, kamana soo bixin warqad u qalanta gabdhaha Suxufiyiinta ee horayba u dulmanaa.

Qiima dhaca ugu weyn ee lagu sameeyey ayaa timid kadib markii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan TV-ga Qaranka ay soo bandhigeen sharuudaha gabdhaha Suxufiinta ee doonaya shaqadaas bannaan lagu xiray oo ay ka mid ahayd inay dheer tahay, Miisaan iyo muuqaal qurxoon tahay isla markaana ay hub-qaad leedahay, kuwaasoo ah takoor, meel kadhac iyo af-lagaado.

Kala duwanaanta bani’aadamka ee xagga quruxda iyo jinsigaba, waa doonista iyo doorista ALLE, taasoo aadan falanqeyn iyo xulasho midna ku lahayn, doonistaada shaqsiyadeed saamayn kuma yeelato muuuqaalkaaga sida uu ahaanayo, qurux, fool-xumo, gaabni, dhirir ama joog iyo jammaal intuba, hase ahaatee aqoonta qofka uu yeelan karo waa mid uu ku gaari karo dadaal shaqsiyadeed ee uu la yimaado, waan tan ay tahay in lagu xusho.

Tan iyo soo ifbixitaankii diinta islaamka ka hor, waxay tirtay dhaqamo guracan oo carbeed, balse ay diinta Islaamku tirtirtay, diintu waa karaameysay gabdhaha qiyam iyo mansab weyn ayay u yeeshay, halka dalkeena hooyo ay wali ku dulman yihiin gabdhaheena Soomaaliyeed ee dheema-luulka ah.

Waxaa hubanti ah in gabdhaha Suxufiinta Soomaaliyeed aanay badankood helin xurmaddii ay mudnaayeen, iyagoo marar badan ka cawdeen in shaqooyinka warbaahineed ay doonayaan looga faa’iideysanayo arrimo jinsi laga yaabo inuu hayo ragga mas’uulka ka ah goobaha ay u maraan shaqooyinka ay doonayaan, taasoo sababta in gabdho badan ay quus ka gaaraan ku dhiiranaanta shaqooyinkaas, halka qaarkood duruufaha ku xeeran looga faa’iideysto in lagu marsiiyo inay is-dhiibaan.

Cidina uma maqna hablaheena Soomaaliyeed marba haddii wasaaraddii warfaafinta ee qaranku lahaa xulashadeedu ay sidan noqotay, waxayna dad badani u arkaan xulasho doonis dumar ee aan ahayn doorasho shaqo, iyagoo inta badan ku baaqay in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan madaxda dalka isla markaana shaqada looga eryo cida soo saartay warbixintan gaar ahaan Wasiir Maareeye oo isagu ku sumadan qoraalkaas.

Gunaanadka….Ogoow Wasiir Maareeye gabdhabaha inay nooyihiin walaasheen, Hooyadeen, habaryarteen, eedayaasheen iyo xilo (Xaas) wax kasto ayayna inooga qiimo badan yihiin, inta gabar sharaf iyo qiimo badan lagu kalsoonaan karana aan ku wada kalsoonaano, isla markaana sharaftooda iyo mooralkooda qalbi dhowrno, waxaana ALLE uga bar-yayaa inuu ka bad-baadsho halisaha badan ee ka dhanka ah.

W:Diyaariyey: Bile Mohamed Abdi (Bile-Baastey).

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com