Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka ayaan maanta laga Tukan saalada Jimcaha ka dib markii Amar ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir lagu xiray Masjidyadaasi
Ciidamo ka Tirsan booliska Dawlada Federaalka ayaa lagu Arkayay wadooyinka Magaalada Muqdisho ka hor inta aan la xirin saakay Masaajidyada
mas,uuliyiin ka Tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay si loo xakameeyo Faafista caabuqa covid 19 la xiray Masaajidyada
hase ahaatee ,jameecada Masjidka Marwaas ayaa markii ciidamo ka Tirsan booliska Soomaaliya gudaha ay u galeen masjidka ku dhawaaqay Ereyo ay ka mid yihiin Allaahu Akbar Allaahu Akbar kana soo hordeestay in la xiro Masjidka balse masjidka Marwaas in kastoo jameecadii ku sugneyd sidaas ay sameeyo laguma Tukan salaada jimcaha
inta babadan degmooyinka gobolka Banaadir Masaajidyada ku yaala saalada Jimcaha lagama Tukan.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com