Gudoomiye Cumar Finish oo maanta Amray in la xiro dhammaan Hoteelada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa  shir guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, guddoomiyaha guddiga Qaran ee Abaabulka iyo  Wacyigelinta ayaa waxaa looga hadlay caabuqa Covid-19 oo dhibaato xoogan  ku haaya dunida.

Duqa Muqdisho ayaa mudadii uu socday shirka  amray in la joojiyo isku imaatanka Bulshada si loogu fogaado wax weliba oo keeni kara caabuqa Covid19 oo ah mid si fudud la isaga qaadi karo taabashada iyo Neefta, asigoo carabka ku adkeeyay maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala Liido oo bulshada si aad ah isugu yimaadaan.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale faray Bulshada in ay u hogaansamaan fariimaha Wacyigelin ee wasaarada caafimaadka iyo waaxda caafimaadka ee  dowladda Hoose ee Xamar, Iyadoona ay si wadajir ah Barnaamijyada  wacyigelin ay iska kaashan doonaan Wasaaradda Caafimaadka, wasaaradda  diinta iyo Awqaafta, guddiga Qaran ee abaabulka iyo wac-yigelinta iyo  maamulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com