Maamulka jubland oo Eedeeyay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay diiday  xallinta khilaafka maamul ee ka taagan gobolka Gedo.

Gobolka Gedo, Degmada iskaba dhaaf xitaa tuulooyinka kuma aysan sugneen Al-Shabaab, balse maanta waxa ay joogaan Degmooyin ay Ceel Cade kamid tahay oo ay ku tababartaan dhalinyarada ku biireysa, taasi waa natiijada ka dhalatay faragelinta Dowladda” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowlad goboleedka Jubaland aysan gacanta ku hayn degmooyinka gobolkaas Gedo balse ay xoog kula wareegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maxamuud sayid Aadan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso fara-gelinta iyo kala furfurka ay ku waddo dowlad goboleedka Jubaland si aan fursad kale loo siin Al-shabaa

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com