War qoraal oo ka soo baxday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS ayaa waxaa lagu shaaciyey in laga bilaabo maanta la joojiyay gebi ahaan Duullimaadyada Diyaaradaha ee isaga kala gooshi jiray gudaha dalkeenna.
Joojintaasi ayaa lagu micneeyey in loogu dan leeyahay sidii looga hortegi lahaa Faafista Caabuqa COVID 19.
Horey ayaa waxaa loo hakiyey Duullimaadyadii Diyaaradaha Caalamiga, sababo la xiriirta dadaalka looga hortagayo Faafista Caabuqaasi.
Ilaa 3 Kiis oo COVID 19 ayaa laga helay gudaha Somalia, iyadoo 2 ka mid ah Bukaanadaasi yihiin Muwaadiniin Soomaali ah oo ka soo laabtay dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga, halka Bukaanka 3-aad oo ah Ajnabi uu u shaqeeyo Xafiiska Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia ee UNSOM.
Xafiiska Wararka,muqdisho.
Info@aragticusub.com