Kenya oo ka hadashay sababta ciidankeeda looga saarayo Soomaaliya

Afhayeenka Madaxtooyada dalka Kenya, Kolonel Kiruus Oguna ayaa sheegay in Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalak AMISOM la rajeynayo inay ka soo baxaan gudaha Somalia, iyadoo lagu dabaqayo Jadwalka Ururka Midowga Afrika ee dhimista tirada Ciiddanka Nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Afhayeenka Madaxtooyada dalka Kenya, Kolonel Kiruus Oguna oo Wareysi Khaas ah siiyey Shabakadda Wararka ee Kenyan.co.ke waxa uu ku xusay inay bilaabi doonaan Wada-xaajoodyo ay la yeelanayaan Ururka Midowga Afrika, si ay Ciiddanka Kenya xilli hore uga soo baxaan gudaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in Dadaalka wada-xaajoodkaasi la rajeynao inay hoggaamiso Haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah Kenya, Monica Juma oo horey u soo qabatay Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi.

Kulamada La-tashiyadda ayaana ku soo beegmayo, xilli ay Hawlgalka AMISOM isku diyaarinayaan inay Ciiddankooda Nabad-ilaalinta iyo Xoojinta Hawlgalladda gudaha Somalia laga saaro sanadka soo socda ee 2021-ka.

“AMISOM weligooda ma siin joogi karaan Somalia, sidaa darteeda dhimista ciiddanka AMISOM waxay micnaheedu tahay inaan si tartiib ah u dhimi doono tirada Ciiddanka Kenya” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada dalka Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia haatan ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd ka hor intaysan Ciiddankooda soo gelin Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Ciiddanka Kenya waxay Somalia u soo daad-gureysay Koox Dagaalanta  (A Battle Group) oo ka tirsan Ciiddanka Kenya si ay fududeeyaan dhimista tirada Ciiddankooda ka jooga Somalia, iyadoo lagu salaynayo Qorshaha Xilliga Kala-guurka Somalia ee STP ee ay AMISOM mas’uuliyadda Ammaanka ku wareejin doonaan Hay’addaha Amaanka ee Somalia.

Ciiddanka Kenya waxay Somalia soo galeen bishii October 16-dii ee sanadkii 2011-kii, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab hawlgalo ka fuliyeen dalka Kenya oo xuduud gaaraya 684 KM la wadaaga dalkeenna.

Si kastaba ha ahaatee, Khubarada Caalamiga ayaa rumeysan inaysan Dowladda Kenya xilligan ku degdegi doonaan inay ciiddankooda kala baxaan Somalia sababo la xiriira Danahooda Qaranka iyo Isbahaysiga ay la leeyihiin Madaxda Dowlad-gobaleedka Jubbaland iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradsan DF.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com