Waa Maxay Ujeedka Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Itoobiya uu ku aadayo?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxay dalka Uganda si uu uga qeybgalo Shir-madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP), sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu daabacay bogga madaxtooyada.

Shirkan oo ay isugu yimaadaan madaxda Afrika ayaa waxaa looga hadlaa maalgelinta iyo horumarinta beeraha qaaradda.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu kulamo gar gaar ah la yeelan doono Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyagoo ka wada hadli doona arrimaha gobolka sida dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda, sida warka lagu sheegay.

Madaxweynaha ayaa shirka kadib safar ku tegi doona dalka Itoobiya, oo la sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay raysal wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay “xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal”.

“Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Socdaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah safarro ballaaran oo uu ku marayo gobolka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen booqashooyin guul leh oo uu dhawaan ku tagay dalalka Ereteriya iyo Jabuuti.” Ayuu intaa ku darayaa war-saxaafadeedka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa dhowaan ka dhaxeeyay khilaaf kasoo billowday heshiiskii is af-garad ee ay horraantii sanadkii hore kala saxiixdeen Itoobiya iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland.