Xiisad dagaal oo ka Taagan Laascaanood iyo Ciidamo halkaas gaaray

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka Magaaladaas .

Ciidamada Soomaalilaand iyo kuwa SSC ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda ka bilaabay Fariisimaha ay isku horfadhiyaan ee duleedka Magaalada Laascaanood.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Soomaaliland ay soo gaareen Ciidamo Gurmad ah kuwaas oo ka qayb qaadanaayaa dagaalka Laascaanood .

Magaalada laas-Caanood iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa weli ka jira Xiisaad  dagaal oo u dhexeysa Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogagga degaanka ee la magac baxay SSC, iyada oo aan weli xal loo helin dagaaladaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com