Musharax Madaxweyne Koofur galbeed ahna Afhayeenka Xisbiga Horu socod Qaran Mudane Xasan Macalin Yuusuf Black ayaa ka digay Muddo korsi loo sameynayo Hay’adaha Dawlada Federaalka iyo kuwa Dawlad goboleedyada dalka .
Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan la horgeeyay moowshin ku saabsan wax ka bedel lagu saameynayo Dastuurka KMG ah iyo Muddo kordhin loo sameynayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo Muddo xileedkiisa uu yahay 4 sano loogana dhigayo 5 sano sidoo kalena muddo xileedka Golaha shacabka iyana la doonayo in laga dhigo 5 sano.
Musharraxx Xasan Macalin Yuusuf Black ayaa isaga oo ka hadlayay arintaan waxaa uu si weyn ug soo horjeestay kordhinta muddadaxil heynta Madaxweynaha iyo sidoo kale in iyana muddo kororsi loo sameeyo MadaxdaDawladgoboleedyada oo iyaana muddadaaxil heyntooda gabagabo ay mareyso.
Musharax Madaxweyne Koofur galbeed Xasan Macalin Yuusuf Black ayaa u mahadceliyay xildhibaanadii diiday muddo kordhinta kana maqnaaday Kalfadhigigii xildhibaanada Baarlamaanka ay uga doodayeen Mowshinka Muddo kordhinta.
Halkan Hoose ka Dhageyso waraysiga Xasan Macalin Yuusuf Black: