Dagaal Culus oo ka socda duleedka Magaalada Laascaanood

Dagaal culus ayaa ka socda bariga magaalada Laascaanood, kaasoo dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Dagaalkaan ayaa haatan ka socda halka loo yaqaano Maraaga oo ah jihada bari ee magaalada Laascaanood.

Waa maalintii labaad oo dagaal xiriir ah uu ka socdo aaggaas, inkastoo dagaalka maanta socda lagu tilmaamay inuu yahay dagaalkii ugu cuslaa ee ka dhaca Maraaga.

Maraag waa goob istaraatiiji ah oo ay ciidamada Somaliland ku leeyihiin difaac adag oo laga ilaaliyo saldhigooda ugu weyn ee kuyaala gudaha Goojacadde.

In ka badan 30 qof oo labada dhinac ah ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen dagaaladii shalay ka dhacay galbeedka iyo bariga magaalada Laascaanood.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com