Ilaa 11 magaalo ayaa si baโan u saameeyay dhulgariirkii bishii February ka dhacay dalka Turkiga, waxaana meelahaas lagu dhaliilay dowladda inaysan si degdeg ah wax uga qaban.
Siddeed ka mid ah magaalooyinkan ayaa ah magaalooyinka ay ku xooggan yihiin AKP iyo Erdogan, halkaasoo madaxweynaha uu helay in ka badan 60% codadkii la dhiibtay labadii doorasho ee ugu dambeysay ee madaxtinimo.
Marka loo eego natiijooyinka hordhaca ah, codadka aagga waxba iskama beddelin.
Waxaa hoos u dhacay 2-3% codadka shan ka mid ah magaalooyinkaas, halka 3-da kale, taageeradiisu aysan waxba iska bedelin sidii ay ahayd doorashadii madaxtinimada ee 2018-ka.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com