Dhageyso: Siyaasi ka hadlay Magacaabista Ergayga Cusub ee Arimaha Soomaaliland

Xildhibaan hore Xuseen  Maxamuud Maxamed  Gaagaale ayaa ka hadlay magacaabista Ergayga Arimha Soomaaliland ee uu Magacaabay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oomalaiya Xasan sheikh Maxamuud una magacaabay Cabdi kariim Xuseen Guuleed.

Siyaasi Xuseen Gaagaale ayaa sheegay in Ergayga Cusub ee loo magacabay Arimaha Soomaaliland uu wax badan ka qaban doono Tabshada Reer Soomaaliland oo muddo badan soo jirtay, waxana uu hadalkiisa intaas uu ku daray in Magacaabista  Ergayga cusub ay ku aaday xilli xasaasi ah ay ugu horeeyso colaadda laascaanood ka jirta iyo Hawlgallada ka socdaa gobolada dalka ee ka dhan ka ah Alshabaab,  isagoo intaasi raaciyaay hadalkiisa in caqabadahan isbiirsaday oo dhan ay saameeyn ku yeelan karaan  Hawsha loo magacaabay Ergayga cusub ee Arimaha Soomaliland .

Halkaan Hoose ka dhageyso waraysiga Xildhibaan hore Xuseen Maxamuud Maxamed Gaagaale: