Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta soo bandhigay Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo magaciisa Afgarashada A-Shabaab loo yaqaano uu yahay (Muscab), kaas oo isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.
War Qoraal ah oo ka soo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in Isxaaq uu Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhada isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Hiiraan ee Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.
Isaaq oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaaa uu sheegay in sababta ku kaliftey in Al-Shabaab, isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay u geysaneyaan Shacabka aan waxba galabsan iyo dhibaatooyinka kale.
Isxaaq Cabdiraxmaan ayaa baaq u direy Saaxibadiisa kale ee ku jira Al-Shabaab in ay isaga soo baxaan oo isku soodhiibaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya, isla markaana dadkooda ay kamid noqdaan.
Dhowr jeer ayaa Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa isku soo dhiibay Xubno katirsan Al-Shabaab, kadib howlgallo xoogeystay oo ka dhacay degaano katirsan Gobolada, Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com