Wafdi Saraakiil Itoobiyaan ah oo maanta gaaray Magaalada Baladweyne

Saraakiil sare oo ka socota dalka itoobiya oo aay hor kacayaan General Tesfaye, iyo General Xaaji ayaa gaaray magaalada Beledweyne.
Safarka saraakiisha ayaa ah  sidii ciidanka Itoobiya dhankooda uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee Dawlada degaanka Soomlida Itoobiya Aadan Axmed Sooyaan ayaa qeyb ka ah wafdiga saraakiisha ah ee maanta gaaray magaalada Beledweyne.
Ciidamada Itoobiya ee ka baxsan ATMIS ayaa dhawaan la filayaan in aay soo gaaraan gobolka Hiiraan si aay howlgalka uga qeyb qaataan, kuwaasi oo haatan dhaq-dhaqaaaqyo ciidan ka wada deegaanno dhaca xuduudka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com