Maamulka Koofur Galbeed oo ku baaqay in la caawiyo Qoysaska ku dhibaateysan duleedka Magaalada Muqdisho

Dadka Barakacayaasha ah ee ku  nool duleedka Magaalada ayaa xiliigaan waxaa la soo darastay xaalad Adag oo dhinaca Nolosha ah.

Qoysaskaan oo ku nool  Kaamam ku yaala degaanada kala ah Garasbaaleey iyo Weydow ayaa ka soo barakacay gobolka shabeelada Hoose , waxaana ay codsadeen in loo soo gurmado maadaamaa  la guda galay bishii barakeysneyd ee Ramadaan , isalamarkaana aysan  heysan cuno ay ku Afuraan kuna saxuurtaan.

Dhinaca kale , La Taliyaha Arimaha Bulshada ee  Madaxweynaha Koofur galbeed Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal  ayaa ugu baaqay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Hay’aaha Samo falka in ay u gurmadaan Qoysaska barakayaasha ah  ee ku  nool duleedka Magaalada muqdisho islamarkaana ay garab istaagaan.

La Taliyaha Arimaha bulshada ee Xafiska Madaxweynaha Koofur galbeed  Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa tan iyo markii la magacaabay waxaa uu u istaagay sidii loo gargaari lahaa bulshada Somaaliyeed gaar’ahaan kuwa ka soo jeeda koofur galbeed ee ku  dhibaateysan degaanno badan oo ka Tirsan gobolada dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com