Khasaare ka dhashay dab ka kacay Suuq ku yaala Muqdisho

Dab ayaa saaka ka kacay suuq Bacaad, oo kamid ah suuqyada ugu weyn magaalada Muqdisho.

Sida ay qortay warbaahinta dowladda Soomaaliya, maamulka degmada ee magaalada Muqdisho, ayaa ku guuleystay daminta dabka.

Khasaaraha dabka uu geystay, ayaa lagu sheegay gubashada laba bakhaar, iyo gaari TM ah.

Ma jirto wax dhimasho nafeed ah oo ka dhacay goobta uu dabka ka kacay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com