Ciidanka Booliska Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa howlgal ku soo qabtay tiradii ugu badnayd oo ciyaal-weero ah, kuwaas oo watay tooreeyo iyo baangado, kooxdaan ayaa lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen dhibaateynta shacabka ku nool deegaankaas.
Ciidanka ayaa kooxdaan ka qabtay waaxda Jabad-gelle ee degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dhamaantood lagu soo xiray saldhigga guud ee deegaanka.
“Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com