Dowladaha Somalia iyo Sudan oo ka wada hadlay Xoojinta Danaha labada Waddan

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS, Abshir Omar Jamac waxa uu Kulan la qaatay Sii-hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Ambassador Ali Al-Sadiq Ali.
Labada Wasiir waxay Kulan Doceed ku yeesheen Shirka 49-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo shalay oo Jimco ahayd ka dhacay Caasimadda dalka Mauritania ee Nouakchott .
Ajendayaasha ay Labada Wasiir ka wada xaajoodeen waxaa ugu muhiimsanaa Dardar-gelinta Xiriirka Somalia iyo Sudan iyo sidii ay uga shaqayn lahaye Danaha Guud ee Labada Waddan.
Waxay kaloo isla gorfeeyeen Arrimaha Khuseeya Danaha Guud ee ay labada dal wadaagaan, iyagoo isdhaafsaday Aragtidooda ku aadan Dhacdooyinka Caalamka, Khaas ahaan Xaalladihii u dambeeyey ee Mandiqada Geeska Afrika.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com