Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan ee kubada Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.
Furitaankan tartankan oo ka dhacay garoonka Stadium Eng Yariisoow ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir iyo boqolaal dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Muqdisho.
Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah mid aad u xiisa badan ayaa sanad kaste mar la qabtaa, kaas oo ay usoo daawasha tagaan kumanaan dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Gobolka
.
Kooxda Degmada Dharkeenley oo kooban difaacaneysa iyo Kooxda Degmada Balcad ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Stadium Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com