bandowga lagu soo rogay magaalada Xarardheere

Ciidamada amaanka ayaa bandow ka bilaabanaya maqribkii, soconayana illaa salaadda subax ku soo rogay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in sababta bandowga loogu soo rogay Xarardheere ay tahay sidii looga hortagi lahaa fallal amni darro oo ka yimaada kooxda Al-Shabaab oo dhawaan halkaasi laga saaray.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in su’aallo la waydiin doono cid kasta oo magaalada soo gasha xiliyada socodka la ogolyahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com