Tababare Ciidan oo loo xukumay la shaqaynta Alshabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad culus oo ka dhan ah Xidigle Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah Macallin tababare ah oo ka tirsan Kuliyadda Jaalla Siyaad ee Xoogga dalka.

Ninkan oo 63 sanno jir ah ayaa waxaa lagu helay inuu si hoose ula shaqeynayay Shabaab, sida ay shaacisay maxkamadda ciidamada oo soo bandhigay caddeymo dheeraad ah.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare, laakiin xilligii diiwaan-gelinta ciidamada ee dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo loo helay xidig sax ah, waxaana cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Sidoo kale waxay xeer ilaalintu intaasi ku dartay in arrintaas uu caro ka qaaday, kadibna uu sidaas ula la xertay kooxda Al-Shabaab oo uu haatan la shaqeynayay.

Hay’adaha baarista amniga iyo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay ogaadeen in Xidigle Cabdicasiis Xuseen uu xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga tababarka uu la wadaago xoogaga  Al-Shabaab.

Maxkamadeynta Xidigle Cabdicasiis Xuseen ayaa soo socotay tan iyo 22 kii January ee sanadkan 2023-ka, ayada oo ay maxkamaddu kiiskiisu ka yeelatay fadhiyo kala duwan

Ugu dambeyn maxkamadda Ciidamada oo go’aan kasoo saartay dhageysiga kiiskan ayaa Xidigle Cabdicasiis Xuseen Nuur Musral ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.