Ciidamadda booliska ee ka hawlgalla saldhigga degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada muqdisho ayaa la sheegay inay dileen Nin katirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo doonayay in uu dilo askari katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ninka oo ku hubeysnaa Bustoolad ay Ciidamadu ku toogteen isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim xilli uu doonayay in uu dilo askari kamid ah Ciidamada Aruuriya Canshuuraha ee Minishiibiyada.
Wararka ayaa sheegaya in dilka kadib ay Ciidamada sameeyeen howlgallo kale oo ammaanka lagu xaqiijinayay si ay uga hotagaan falal amni darro oo ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Dhowr jeer ayaa Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay askar katirsan Ciidamada dowladda kudileen Magaalada muqdisho iyo duleedkeeda kadibna ay baxsadeen