Dhageyso: Maxaa laga filan karaa Shirka Baydhabo?

Maxamed Ibraahim Bilaal oo ka mid ah Musharrixiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay shirkadib u heshisiinta Koofur Galbeed oo Magaalada Baydhabo ka socda  .

Musharrax Madaxweyne Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sheegay in Wejiga koowaad shirka dib u heshiisiinta koofur galbeed ee furay Madaxweyne Xasan sheikhlasoo gaba gabeeyay wjiga labaadna la guday kaas oo uu Furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay habsami u socodka shirka waxaana uu sheegay in wejiga labaad looga hadli doonno doorashada xilka madaxweynaha madaamaa aad soo idlaatay muddada xil heynta Madaxweynaha koofur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo muddo Afar sano ah xilkaas soo haayay.

Musharrax Madaxweyne Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa ah Aqoon yahan wax badan ka bedli kara xaalada koofur galbeed haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Maamulka KGS waana Aqoon yahan isu soo dhaweyn kara bulshada Reer koofur galbeed sidaas waxaa sheegay qaar ka mid ah Dadka

Reer Koofur Galbeed oo xiliigaan u baahan is bedel laga sameeyo Koofur galbeed.