Dawlada Soomaaliya oo sheegtay in la dilay xubno badan oo ka tiran Alshabaab

Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ay howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab qaadey.

Hawlgalkan, ayey dowladdu ku warbixisay inay ku dishay in ka badan 136 dagaal yahan, oo ka tirsan Alshabaab, kaasoo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, warbixinta dowladda kasoo baxay, ayaa lagu sheegay in 98 xubnood oo katirsan Alshabaab, isla goobtii hawlgalka uu ka dhacay lagu dhaawacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waayihii u danbeeyey waxey ciidamadoodu dagaalo culus kula jireen Al Shabaab.